Arkiverat nätmaterial tillgänglig på dataterminaler för friexemplar på friexemplarsbibliotekens lokaler. Mer info på info sidan.

SuomeksiPå svenskaIn English

Materialet tillgänglig endast på friexemplarsstationer

Miyaan qabaa fayruska korona?

Helsingin kaupunki

Miyaan qabaa fayruska Korona? Fayruska Korona wuxuu weli saameynayaa nololmaalmeedkeenna qof kastaana waa in uu ogaadaa halista fayruska la xiriira. Magaalada Helsinki waxay soo saartay saddex fiidiyow oo tilmaanbixin ah, kuwaas oo looga jawaabayo su’aalaha inta badan la isweydiiyo ee ku saabsan fayruska Korona. Fiidiyowyada waxaa laga helayaa adeegyada taageero ee la heli karo inta safmarkan lagu jiro, macluumaadka la xiriira baaritaanka iyo habraaca karaantiilka iyo hagitaanka waxa aad sameynayso, haddii aad ka shakiso in aad qaaday cudurka fayruska Korona. Haddii aad ka shakiso in aad qaadday cudurka fayruska Korona, gal bogga omaolo.fi kaddibna buuxin su’aalo-weydiinta calaamadaha cudurka fayruska Korona. Waxaad helaysaa qiimeyn ku saleysan jawaabtaada oo ku saabsan calaamadahaada iyo xaaladdaada iyo weliba hagitaanka ah waxa xiga ee ay tahay in aad samayso. Haddii ay xaaladdaadu u baahato, boggu wuxuu kugu hagayaa baaritaanka fayruska Korona iyo daryeelka. Haddii aad qabto calaamadaha fayruska Korona, waxaa laguugu hagayaa in aad aaddo baaritaanka fayruska Korona. Calaamadaha cudurka waxaa kamid ah calaamadaha infakshanka habdhiska neefmareenka, shuban iyo calool xanuun. Calaamadaha infakshanka habdhiska neefmareenku waa xummad, qufac, dhuun xanuun, sanka oo ay biyo ka socdaan, neefta oo adkaata iyo dareenka urta iyo dhadhanka oo luma. Haddii aadan hubin waxa ay tahay in aad samayso, la xiriir rugta talabixinta fayruska Korona ee magaalada Helsinki. Talabixintu waxa lambarka 09 310 10024 maalin kasta saacadda u dhexeysa 8-18.00 uga jawaabaysaa su’aalaha la xiriira safmarka fayruska Korona, haddii ka welwelsan tahay calaamadaha naftaada ama ehelkaada. Wakhtiyada kale wac lambarka heeganka caawimaadda qaramadeed ee 116 117. Ka fiiri macluumaadyada wakhtiga la socda ee la xiriira xaaladda fayruska Korona bogagga fayruska Korona ee magaalada Helsinki. Waxaa kale oo macluumaad dheeraad ah ka heleysaa fiidiyowyada soo socda. Photo: HSL/Lauri Eriksson.

I insamlingen Koronaviruspandemia 2020-2022

Ursprungskälla: https://www.youtube.com/watch?v=6GJ_OZhYnvk


Sidans beskrivning är från den ursprungliga källan (YouTube).